|
Muqdisho,(insidesomalia.org)-Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ka degay Dalka Japuti halkasi oo saacadaha Soosocda ay kulamo kula qaadanayaan Masuuliyiinta Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye.
Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo idaacada Muqdisho u waramayay isgoo ku sugan magalada Jabuuti ee dalka JAbuuti ayaa shegay in wafdiga sheikh Shariif uu hor kacayo ay saacadaha soo aadan la qaadan doonaan kulamaan.
“ Waxaan rajeeyneeynaa in Saacadaha soo aadan aan kulan la qaadano Wafdigaasi” sidaasi waxaa Yiri Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali.
Dhawaan ayeey aheeyd markii wafdi balaaran oo ka socday Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxaa ay ka duuleen magaalada Muqdisho iyagoo abaaray dalka Jabuuti taasi oo ay sheegeen in ay Casuumaad ka heleen Gudoomiyaha Golaha Dib u xureeynta Dalka Soomaaliya.
sidoo kale waxaa dhawaan dalka Jibouti booqday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Cadde iyo Wafdi uu hoggaaminayay, kaasi oo kulamo la qaatay madaxweyne Dowladda Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle,wuxuuna Ra’iisal Wasaaraha sheegay in ay Madaxweyne Geelle isla soo qaadeen arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo nabdeynta Soomaaliya, isagoo intaas ku sii daray in ay Jibouti garab taagan tahay Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Jibouti ayaa waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u dhexdhexaadin lahayd dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda kadib dagaallo lagu hoobtay oo muddo sanad ah ka socday dalka Soomaaliya
|